Xildhibaan sheegay in Shariif Xasan uu madaxweynaah Soomaaliya ka diiday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay Shariif Xasan Sheekh inta uusan ka ambixin magaalada Muqdisho in la soo hadleen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, iyagoona u sheegay in uu ka joogo safarka Beydhabo “Balse waa uu ka diidday” ayuu yiri.

Xildhibaan Aweys Cabdulaahi Ibraahim, oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay in uu la hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari.

“Inta uusan Shariif Xasan ka amabixin Muqdiaho waxaa la hadlay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, kuwaasoo u sheegay in uusan aadin Beydhabo, isla markaana ay diyaar u yihiin in la xaliyo dhinacyada isku haya Beydhabo, balse waxaan la yaabanahay in Shariif Xasan la dhaho wuxuu diidday hadalka madaxweynaha iyo kan guddoomiyaha baarlamaanka, ma fahmin soo dalka kama jirto dowlad,” ayuu yiri Xildhibaan Aweys.

Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay hadalka Jawaari in uu muujinaayo go’aanka Shariifka in uusan kaligiis ku ahayn oo dowladda iyo beesha caalamka ay la ogtahay qorshaha uu ku tagay Beydhabo.

Wuxu madaxda dowladda u sheegay in wixii dhib ah oo ka yimaada Beydhabo oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda in ay mas’uuliyadeeda qaadan doonto.

Xildhibaanka Aweys waxaa kaloo uu tilmaamay in shir muddo sannad iyo bar soo socday oo lagu dhisaayo maamul lix gobal in laga daba keeno shir kale oo aaney taageero ka heesan beelaha ku dhaqan gobalada maamulka loo sameenaayo ayuu yiri.

Si kastaba, waxaa weli xiisad ay ka jirtaa maalintii labaad magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo uu ku sugan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya in uu dhiso maamul kooban seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com