Ugaas caan ah oo lagu dilay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose Ugaas caan ka ahaa magaaladaas.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ugaas Maxamed Xuseen Xaafow, waxaa toogtay labo nin oo ku hubeynaa bastoolado, kuwaasoo ku dilay xaafada Dalcadda ee Kismaayo

Nabadoonka ayaa ugaas u ahaa beesha beesha Cawramale oo ka mid ah beelaha deggan Kismaayo, waxaana la shegay in kooxda dishay ay goobta ka baxsatay.

Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gaaray goobta iyagoona wada baaritaan si loo soo qabto kooxda fuliyay dilka nabadoonka.

ma cadda sababta loo dilay nabadoonka caawa maqribkii lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Kismaayo waxaa maalmahan ka dhacayay dil qaar kood lagu beegsanayay wax garadka iyo mas’uuliyiinta mamulka Axmed Madoobe, waxaana fulinaayay rag hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com