Xildhibaan Xasan Yare oo shaaciyey arrin halisa, kadib dibad-baxyadii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay shalay dhaceen dibad-baxyo ballaaran oo lagu taageerayo hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya ee arrinta maqaamka Muqdisho ayaa waxaa haatan isa-soo taraya falcelinta laga bixinyaao dibad-baxyadaasi.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Golaha shacabka, islamarkaana ka mid ahaa mudanayaashii ku buuqaay Madaxweyne Farmaajo furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dibadbaxyadaasi ay haayeen kuwa halis ku ah caafimaadka, maadaamka uu dalka ka jiro cudurka safmarka ee Covid-19.

Xasan Yare ayaa carabka ku goday in xilligaan aan la joogin ka hadalka in xubno gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka Sare, balse ay tahay in meel la saari maqaamka caasimada.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay siyaasadeynayaan xuquuqda dadka degan gobolka Banaadir

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa su’aal ka keenay waxa hadda ku soo beegay raadinta maaqaamka Muqdisho, iyadoo gabagabo uu yahay muddo xileedka dowladda.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey muranka ka taagan metelaad ay caasimadda ku yeelato Aqalka Sare, kadib markii ay dhowaan guddiyada joogtada labada gole ee BF ay shaaciyeen in 7 kursi golahaasi laga siinayo Muqdisho.