Xildhibaan Xiddig oo DF ku weeraray arrin la xiriirta xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/rashiid Xidig oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa si adag uga hadlay mas’uuliya darida lagula dhaqmo Xubnaha kamid noqda baarlamaanka Somalia marka uu wakhtiga ka dhamaado kadib.

Xildhibaan Xiddig waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada uu wakhtiga ka dhamaaday ay ka khibrad badan yihiin kuwa hadda ka tirsan baarlamaanka Somalia, hase ahaatee dowlada Federaalka ay u muuqato mid indhaha ka qabsaneysa mas’uuliyada ka saran Xubnaha dhameystay wakhtigooda baarlamaanka.

‘’Waa arrin dhacda in dowlada Somalia ay dayacdo mas’uuliyada ka saran Xildhibaanada xilkooda dhameystay cid waliba wey aragtaa waxa ka taagan dalka’’

Xildhibaan Xiddig wuxuu sheegay inay ahmiyad u arkaan in xildhibaanada wakhtigooda uu dhammaaday looga faa’ideysto howlaha kale ee dalka.

Waxa uu cadeeyay in meelaha looga baahan yahay Xildhibaanada dhameystay wakhtigooda ay kamid yihiin sida Guddiyada Madaxa banaan, isaga oo sheegay in hada Guddiga loo saaray dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan badankood ay yihiin dad qurba joog ah oo aan waxba kala socon Dastuurkii ka horeeyay.

Xiddig wuxuu intaa ku daray in xildhibaanadii ka mudnaa arrintan ay hada ku dayacan yihiin magaalada Muqdisho, taasina ay tahay sharaf dhac usoo hoyaneysa dowlada Somalia.

Waxa uu Xildhibaan Xiddig sheegay inaan la garankarin halka ay dhibaatada ka heysato Soomaalida, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in laga run sheego mas’uuliyada ay qaadan Madaxda Qaranka ee la dhaariyay.

Haddalka Xiddig ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan madaxda dowlada Federaalka ah ee Somalia ay yihiin kuwo aan khibrad shaqo u laheyn howlaha ay hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com