Xildhibaan Xidig oo jawaab ka bixiyey arrintii maanta ka dhacday garoonka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubaland, ayaa jawaab ka bixiyey dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Kismaayo ee shacabka magaalada loogu diiday inay soo dhoweeyaan.

Ciidamada Jubbaland ayaa maanta kala eryey, isla markaana ay jirdil u geysteen Dad Shacab ah iyo Wariyeyaal ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweynta Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Dadka Shacabka ah iyo Wariyeyaasha ayaa ku sugnaa banaanka hore ee Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo, iyaga oo doonayay inay soo dhaweeyaan Xildhibaanka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jubbaland ay dadka Shacabka ah u diideen inay galaan garoonka, waxaana sidoo kale jirta in mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland xataa loo diiday gelida Garoonka oo ay banaanka ka joogan.

Xidig ayaa qoraalkan soo dhigay bartiisa facebook:-

“Bismilaah, Ilaahay ayaa mahad iska leh Waxaan si Nabad ah ku soo gaaray Garoonka dayuradaha ee Kismayo:

Mahad gaar ah waxaan u celinayaa Shacabka ree Jubaland ee maanta u diyaar garoobay soo dhaweyntayda balse laga hor istaagay waxaan markale ugu baaqayaa inay is dejiyaan una hogaansamaan heyadaha Amniga:

Waan hubaa inay tahay maalin taariikhi ah oo shacab Caleemo Qoyan wata laga hor istaago soo dhaweynta Murashaxooda Madaxweynaha Jubaland 2019:

Waxaan idin balan qaadayaa inaan idiin Abaalgudi doono hadii rabi aqbalo:

Abaalkiina 1aad Waxaan ka dhigayaa inaan Garoonka diyaaradaha ee kismayo lug kaga soo baxayo oo aana wax gaadiid ah soo raacaynin lugna ku imaan doono magaalada Kismayo intay rabto ha igu qaadatee hadii hadii rabi idmo:

Waxaan bogaadinayaa ciidamada Amniga ee Jubaland oo si ixtiraam badan ula dhaqmay shacabka anigoo huba inaysan raali ka ahayn Sida shacabka loola dhaqmay balse fuliyay Amarkii lasiiyay:

Markale Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheyda Gudaha iyo dibada inay u hogaansamaan tilmaamaha heyadaha Amniga kuna ekaadaan goobahooda:

Amaana Alaah:

Og: shacabka Jubbaland
Og: Salaadiinta Jubaland
Og: Maamulka Jubaland
Og: Dowlada Federaalka
Og: Urur Goboleedka IGAD
Og: Amisom sector 2
Og: International Community

Mahadsanidiin:

Hon: Abdirashid Mohamed Xidig
Murashaxa Madaxweynaha ee Shacabka Jubbaland 2019:
Kismayo Airport