Xildhibaan xuduuda runta ugu sheegay Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Aabbi Aadan oo ka mid ah Xildhibaannada BFS kuna sugan Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe.

Xildhibaan Aabbi ayaa sheegay in Gobolka Bakool iyo deegaanada hoostaga aysan ka arimin Dowlada Ethiopia, waxa uuna farta ku goday in hadalka kasoo yeeray Aadan Madoobe uusan waxba ka bedeli karin qorshaha ay ka damacsan yihiin Gobolka Bakool iyo Degmooyinka hoostaga, sida uu hadalka u dhigay.

Aabbi ayaa tibaaxay in Aadan Madoobe uu ka weecday xaqiiqda taagan islamarkaana uusan la socon qorshooyinka ay kawadaan Bakool, waxa uuna u cadeeyay in Deegaanada ay iminka ku sugan yihiin aysan maamulin Dowlada Ethiopia balse ay u madax-banaanyihiin wixii ay ka sameyn lahaayen.

”Aadan Madoobe waxa uu Ethiopia ka dalbaday inay qaboojiso waxa ka socda Bakool, adeer meeshaan kama taliso Ethiopia awoodna uma laha inay faragalin kusoo sameyso”

Wuxuu sheegay in Gobolka Bakool uusan dhicin dhulka Ethiopia oo uu yahay dhul dhaca Somalia, sidaa awgeedna aysan Ethiopia u furneyn sabab ay uga hadasho dhismaha maamulka ee socda.

Xildhibaan Aabbi waxaa uu sheegay in inta badan ay soo gabagabeeyen dhismaha maamulka waxa uuna tilmaamay in maamulka cusub ay u bixiyeen magac balse halka uu maraayo ay taako taako ula socodsiin doonaan shacabka Soomaaliyeed.

”Anagu waxaynu nahay dad wanaag-doon ah maamulka Koonfur galbeed horay ayaan ula hadalnay balse ma aysan qadarin arrinteena”

”Maamulka aan dhiseyno waa mid kamadax-banaan kan Koonfur Galbeed. waayo waxaa dhismaha maamulka wata shacabka Bakool oo horay ay u dayacday Koonfur Galbeed”

Dhanka kale, Xildhibaan Aabbi waxa uu sheegay in maamulka ay ka dhiseen Ceelbarde uu go’aanka isaga leeyahay kaligiina jiri karo ama ku biiri karo maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com