Aadan Madoobe oo qeyla dhan u diray Ethiopia iyo DF Somalia oo wax kama jiraan laga dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa cod dheer ku sheegay in Xildhibaano ka tirsan BFS ay faragalin ku hayaan maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in musiibo Qaran ay tahay in DFS ay sheeda ka daawato in Xildhibaano ka tirsan BFS ay dhexda u guntadaan kala qeybinta maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Madoobe waxa uu sheegay in marnaba aysan raali ku noqon doonin in la kala qeybiyo shacabka ku hoos nool maamulka, waxa uuna ka digay in DFS iyo Ethiopia ay ka aamusaan faragalinta ay Gobolka Bakool ku hayaan Xildhibaano ka tirsan BFS, kana soo jeeda deegaanada Jubbaland ay maamusho.

Saraakiisha iyo Ciidamada Dowlada Ethiopia ka jooga deegaanada Koonfur Galbeed ayuu Mr Madoobe ugu baaqay inay hakiyaan Siyaasadaha guracan oo Xildhibaanadaasi ay kawadaan Gobolka Bakool.

Ciidamada Ethiopia ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan shaqsiyaadkaasi waxa uuna ka digay in deegaanada ay mas’uuliyiintaasi kawadaan dhismaha maamulka Cusub uu ka dhasho dhibaato.

Madoobe waxa uu sheegay in Xildhibaanadaasi ay baalmareen sharciyada u degan maamulka Koonfur Galbeed, sidaa awgeedna ay suuragal tahay in halkaasi uu ka dhasho dhibaato saameyn karta dadka deegaanka.

Geesta kale, maamulka Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in qaab Siyaasadeysan ay ku xaliyaan dhaqdhaqaaqyada ka taagan Gobolka Bakool iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com