Xasan Sheekh oo sheegay been aad loola yaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in socdaalkii uu ku tagay Beledweyne uusan aheyn sida ay dadka u qaaten.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in mudadii uu joogay magaalada Beledweyne uusan la kulmin wax caqabad ah oo kaga imaaday dhanka Odayaasha Gobolka Hiiraan.

Waxa uu tilmaamay in Odayaasha kaliya uu kala hadlay sida lagu hagaajin lahaa masiirka umadda Soomaaliyeed ee kuwada nool Gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Xassan waxa uu cadeeyay in Odayaasha aysan isku khilaafin halka lagu qabanaayo shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Odayaasha ayuu sheegay in kulankii ugu horeeyay ee uu la qaatay ay talada isaga u dhiibteen, balse uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhashay digreetadii kasoo baxday xafiiskii ee lagu shaaciyay halka uu ka qabsoomi doono shirka maamulka loogu sameyn doono ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ujeedka socdaalkiisa ayuu sheegay inuu ka fogaa arrimahaasi bacdamaa ay kasoo baxday Digreeto, waxa uuna cadeeyay in shirarkaasi ay ahaayen mid la xiriiray qaabka wadashaqeyneyd ee Gudoomiyaha cusub iyo Odayaasha Gobolka.

Sidoo kale waxa uu Xassan Sheekh sheegay inay jireen xiliyo ay isla soo hadal qaaden isaga iyo Odayaasha shirka ka furmi doona Jowhar, balse uusan gaarin heer khilaaf.

Dhanka kale, Odayaasha ayuu tibaaxay inay isla meel dhigeen in shirka gogoshiisa ay noqon doonto Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com