Daawo: Yuusuf Kabaale oo Macawiisleyda ka dalbaday in ay hubka dhigaan + Sababta

Cadale (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan jiida hore ee dagaalka dalab xasaasi ah u gudbiyey maleeshiyaadka Macawiisleyda ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe.

Yuusuf Kaabe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dadaalkii ay wadeen uu guuleystay, isla-markaana la xoreeyey dhammaan deegaan doorashadiisa.

Sidoo kale wuxuu mahadceliyey dhalinyarada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo u istaagay la dagaalanka Al-Shabaab.

“Deegaan doorashooyinka aan kasoo jeedo caawa hal aana jiifan karin oo Khawaarij ay joogto ma jiro, Ilaah ayaana iska leh mahaddaas. Anigu caawa minaan dhinto waa faraxsanahay guushaas ayaan gaaray, waxaa u mahadcelinayaa dhalinyarada Macawiisleyda ee dadaashay” ayuu yiri xildhibaan Yuusuf Kabaale

Dhinaca kale wuxuu farriin u diray kooxda Macawiisleyda, wuxuuna ugu baaqay inay hubka dhigto islamarkaana ay qoryaha soo saarto, si ay ula wareegto dowladda Soomaaliya.

“Waxaan soo jeedinayaan oo baaq dheer kusoo jeedinayaa in lasoo saaro qoryaha, cadowna hal noqdo. Caawa waxii ka dambeeya laba dowlad kama jirto waxii qori heysto waa AlShabaab ama dowlada, qori guriga laguma heysan karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah meelaha uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Shabaab, waxayna ciidamada huwanta gaareen deegaano kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal.