Xildhibaanada ay soo xuleen Ergada Cadaado oo lagu dhawaqayo & shuruud adag oo lasoo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Ergada shirka ay maanta u guda galeen gabagabeynta xulista Xildhibaanada uu yeelan doono Maamulka loo sameynaayo G/Dhexe.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in maanta la shaaciyo Magacyada Xildhibaanada uu yeelanayo Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee dhismihiisu ka socdo Cadaado.

Wararku waxa ay sheegayaan in inta ugu badan Xildhibaanada Maamulka laga soo xulay Ergadii ka qeyb galeysay Shirka Cadaado.

Daahir Max’uud Afrax oo kamid ah Ergada Shirka Cadaado ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in Dastuurka maamulkaasi uusan diideyn in Ergada dhexdooda laga xulo Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Dasrtuurka Maamulka cusub ee Galmudug ayaa qaba in Qofka noqdo Xildhibaan uusan Wasiir qaban karin, sida darteedna aysan waxba dhibeyn in Ergada laga soo dhex xulo Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta la shaacinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com