Ciidanka Kenya oo xabsi ku guray Somali badan!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanka Mwingi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Dowlada ay xabsiga dhigeen Soomaali farabadan oo la sheegay inay tahriib ahaayen.

Dadka la xirxiray oo tiro ahaan gaaraya ilaa 40-ruux ayaa la sheegayaa inay la socdeen gaari xamuul oo si sharci darro ah u tahriibiya Soomaalida tahriib doonka ah, si ay ugu sii gudbaan dalka South Africa.

Sidoo kale, muwaadiniintaani la xiray ayaa doonaayay inay gaaran Magaalada Nairobi si ay halkaasi ugu siinastaan, hayeeshee waxaa safarkooda ka warhelay Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay.

Booliska waxa ay sheegen in Dadka la xir xiray aysan ku hadli Luqadaha Ingiriiska iyo sawaaxiliga oo looga hadlo Wadankasi, waxa ayna uga shakiyeen inay caqabad ku yihiin amaanka dalka Kenya.

Dhawaan ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama uu booqasho ku gaari doono dalka Kenya, taasi oo sabab u noqotay qabqabashada ajaanibta dalkaasi ku sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com