Baarlamanka Somalia oo maanta gaaraya go’aan muhiima oo ku saabsan darbiga Kenya dhiseyso

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay ka doodaan mooshin ku saabsan darbiga Kenya ay ka dhiseyso xudduuda labada dal u dhexeysa; waxaanna lagu wadaa in kulanka dhammaadkiisa ay ka soo saaraan qaraar ay u dirayaan beesha caalamka.

Xildhibaan Maxamed C/raxmaan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaan, Xukuumad iyo shacab intaba aysan aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ay Kenya ku darsato dalkeeda, wuxuuna xusay in Baarlamaanku qaraar rasmi ah uu ka soo saari doono arrintaas.

“Mar haddii aysan suurtagal aheyn in khubaro caalami ah iyo ergo ka socota labada dowladood ay goob joog ka noqdaan halka la sheegay in darbiga laga dhisayo sharci ma noqon doono dhismaha darbigaas; waxa Kenya ay ka wado waa xaaraan, beesha caalamka ha ogaato wixii qalad ah ee arrintaasi ka yimaada in ay masúuliyadeeda Kenya qaadeyso” Ayuu yiri Xildhibaanka, wuxuuna intaa sii raaciyey in ay jiraan shaqsiyaad siyaasiyiin Soomaali ah oo Kenya ku garab siinaya in Kenya ay dhulka Soomaaliya sheegato.

“Meesha darbiga laga dhisayo waa in ay noqotaa soohdin la aqoonsan yahay; Dowlad keligeed inta go’aan gaarto darbi iska dhisan kartaa ma jirto” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed C/raxmaan, wuxuuna intaa ku daray in Kenya ay xaq u leedahay in ay ammaanka dalkeeda u tashato, balse aysan taasi u baneyneyn in ay ku soo xadgudubto dhulka Soomaaliya.

“Kenya dhul iyo dad ayaan ku tabeynaa, maanta in ay dhul kale Soomaaliya ka soo hunguriyeyso wax la qaadan karo ma ahan” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com