AXMED Madoobe oo laga wacay ADDIS-ABABA!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ”Axmed Madoobe” uu kusii jeedo Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Safarka Hogaamiyaha Jubaland uu yahay mid ku qotoma xal ka gaarista khilaafyada kala dhexeeya Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.

Wajiga labaad ee socdaalka Axmed Madoobe ayaa noqon doona mid la xiriira howlaha amaanka, waxaana xusid mudan in Magaalada Addis ababa uu ku sugan yahay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan sheekh Aadan.

Qorshaha Dowlada Ethiopia ayaa ah in hal meel ay kuwada kulansiiyaan Hogaamiyayaasha Labada maamul si ay xal uga gaaran xurguf siyaasadeedka ka dhexeeya.

Waxaa jira quus iyo walaac la xiriira qaabkii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016 maadaama uu jiro khilaaf laba dhinac ah,mid ka dhexjira maamul goboleedyada dhexdooda iyo mid kale oo udhaxeeya qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee hada ka bilowday Addis Ababa ayaa wuxuu hordhac u yahay sidii xal loogu heli lahaa qaar kamid ah khilaafyada taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com