Ergooyinka Cadaado oo ka cabanaya BAARLEEX iyo hanjabaado culus oo loo jeediyay + Ujeedada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergooyinka ku sugan madasha uu shirka ka socdo ee Magaalada Cadaado, ayaa xiligaani ka cabanaayo dhaqano cusub oo uu la imaaday Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdulaahi Cali Baarleex.

Maxamuud xaayow oo kamid ah Ergada ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb uu qalqal galin ku hayo amaanka Ergada waxa uuna sheegay in Ergada looga baahan yahay inay mas’uul ka noqdaan amaankooda.

Xaayow waxa uu tilmaamay in caqabada ugu badan ay iminka ka heysato dhanka amaanka, waxa uuna cadeeyay inay halis ugu jiraan in lagu dhex beegsado magaalada, bacdamaa hadalka Baarleex uu yahay mid ay ka dambeyso luqaafo loo maleegaayo Ergada.

Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday in Baarleex uu Ergada kula dhaqmaayo wixii kasoo maaxa maankiisa oo uu ula jeedo diidmada iyo ogolaanshaha habsami u socodka shirka taasina aysan aheyn mid sharciga waafaqsan.

Maxamuud xaayow ayaa Dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu baaqay inay wax ka bedesho nidaamka uu ku shaqeynaayo Baarleex iyo Maamulkiisa waxa uuna DF ku wargaliyay in hanjabaado ay kala kulmayaan Baarleex.

Xaalada shirka Cadaado ayaa ah mid maalinba maalinta xigta laga deyrinaayo waxaana aad looga cabsi qabaa in shirka uu fashil ku imaado bacdamaa Caasimada Maamulka cusub ay fariisin u noqotay Maleeshiyaadka Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com