Ilka-Xanaf oo ka shifay sir badan oo qarsooneyd!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee DF Somalia Caydiid Cabdullaahi “Ilka Xanaf” ayaa sheegay in Somalia ay kusii liidaneyso tixraaca sharciyada dalka u degan iyo nidaamka dowliga ah.

Ilka xanaf ayaa tilmaamay in DF Somalia ay isaga dhex qasan tahay Siyaasada guud ee dalka lagu maamulaayo iyo tan gaarka ah oo u dhexeysa shaqsiyaadka wata hadafka ku saleysan urur siyaasadeedka.

Siyaasada lagu hagayo dalka ayuu sheegay inay tahay mid u gaar ah shaqsiyaad ka tirsan DF Somalia oo doonaayo in dalka oo idil ay ka dhaqan galiyaan mida iyaga ay isku fahansan yihiin taasina ay qeyb ka noqoneyso digtaateeriyada la sheego.

Waxa uu sheegay in sharciga dalka u degan iyo kan gaarka ah uu iminka awood badan yahay kan shaqsiyaadka ay soo dhoodhooben waxa uuna aad uga deyriyay Siyaasada uu dalka ku hogaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Ilka xanaf ayaa sheegay in qaska iyo dhibka ka taagan dalka uu yahay mid laga naas-nuujinaayo Madaxtooyada Somalia, taasina ay carqalad ku tahay hanaanka Siyaasadeed ee Somalia.

Geesta kale waxa uu si dadban u sheegay in dhaqaalahii ku jiray qasnada DF Somalia loo weeciyay jeebka shaqsiyaad saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan Sheekh.

Ma uusan sheegin mas’uuliyiinta lacagahaasi ay jeebkooda ku dhacdo, balse waxa uu cadeeyay in dhaqaalaha ugu badan ee Somalia soo gala aan lagu qaban howlihii loogu tallo galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com