Xog: Siyaasiyiin caana oo lagu xiray Somaliland!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka ay jeelka dhigeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland.

Mas’uuliyiinta xabsiga la dhigay ayaa waxa ay ku dhow dhowaayen Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Xariga mas’uuliyiinta ayaa ka dhacay xaafada Daami ee Degmada Gacan Libaax, waxaana la tilmaamayaa in xarigooda uu la xiriiray iska horkeenka reero kasoo jeeda deegaankaasi.

Mas’uuliyiinta la xiray ayaa waxaa kamid ahaa Barkhad Jaamac Xirsi oo hada ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani horayna u ahaa la-taliyihii hore ee Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale, raga la xiray ayaa waxaa kamid ahaa Liibaan Ismaaciil Maxamuud oo ka tirsan Komishanka Xuquuqal Iinsaanka ee Maamulka Somaliland.

Xariga Mas’uuliyiinta ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka ay Ciidamada Maamulka ku hayaan dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com