Siyaasadda qarsoon ee magacaabista XUBNAHA cusub ee wasiirada PUNTLAND (Sir xasaasi ah)!!

Maxay tahay sababta Gobollada Karkaar iyo Nugaal qayb Libaax loo siiyey, yaase ka dambeeyay shakhsiyaadka xilalka culus loo dhiibey, maxaa daaqadda looga saarey raggii libinta ku lahaa guusha Madaxweynenimo ee Dr. Gaas, isbadalkan ma laga yaabaa inuu noqdo mid mugdiga iyo jiho-wareerka siyaasadeed ee Puntland ka jira daweeya? Su’aalahan iyo kuwa badan oo kale waxay ka mid yihiin aragtiyada kala duwan ee ay waxgaradka reer Puntland xiligan isweydiinayaan.

Isku dayidda in la helo jawaabo waafiya waxay suurtagalin kartaa in si sahlan loo fahmo farta uu dhigay Mudane Dr. Gaas iyo macnawiyadda ka dambeysa. Hadii hadaba la rabo sida wax u jiraan in loo sheego waxaa lagama maarmaan ah in la magac-dhabo shakhsiyaad ama qabiillo islamarkaasna la xuso doorka ay ku leeyihiin is-badalkaan mudada la sugayey, tan fasirkeedu ma aha in shakhsiyaad wax ka sheegiddoooda lagu baneysanayo balse waxaa muhiima in la xuso khidadda siyaasadeed ee lagu soo magacaabey wasiirrada cusub.

Siyaasadu oogo la qurxiyo ayey leedahay ee guda la qariyo ma leh – ‘Afeef’

Siinta Cadka Libaaxa Gobolka Karkaar!

Fasirka arintaan waxay ku soo ururaysaa nin abaal lagu lahaa guday, isgarabeysi horlehna xiligaan ka dalbanaya reer Karkaar. Dabcan reer Karkaar dhamaan hadiyada u magacaabida W. Maaliyada kuma wada socoto, Bilad Dahabka ah waxaa muteystey shakhsiyaad kooban u dhashey gobolka ulana muuqda Mudane Dr. Gaas inay yihiin halyeeyo birta calanshadey kalana soo shaqeeyay halkankiisa siyaasadeed khaaska ah ilaa intuu Ra’isal wasaraha Federalka ahaa iyo wixii ka dambeeyay; raadintii Madaxweyna-nimada Dawlada dhexe, qaadicidii iyo burburintii barnaamijka Axsaabta, mudaharaadyadii keenay dilal saraakiil iyo dad rayida oo ka dhacey magaalada Qardho iyo ugu dambeyntii ku guulaysashadii kursiga Madaxtinada Puntland xubintii dheeriga ahayd ee Mucjisada.

Naqshadaan ‘Codka Libaaxa’ lagu baadi-goobayey xaqiijinteeda inay ahaato geed ka go’an waxaa isaga dambeeyay rag ay ka mid yihiin Mudane Cade Muse oo bilihii la soo dhaafey Garoowe ku sugnaa iyo Boqor Burhaan oo isaguna Garowe isku soo beegay xiligii lafa-gurida Wasirada lagu guda-jray waloow uu deeganka Nugaal ka helin soo dhaween diiran safarkiisan ahaa soo xeraynta Wasiirka Maaliyada. Burhaan Boqor waa ninka arintaan meel adag kaga soo harey isuguna daray miisaan dhaqan iyo mid saaxiibtinimeed. Waxaa iyana jirtay culaysin meela kale aan ka fogeyn Dr. Gaas kaga imaanayeysay xaafada dalabka noocaas oo kale ah marnaba mid la dhayilsan karo.

Raadinta xubintaan muhiimka ah dadaalka dheerna loo galey marka laga fiirsho dhinaca shakhsiga loo magacaabey xubinta arintu uma muuqato mid loogu xusul duubayey in Puntland looga hiiliyo dhaqaala xumada ka jirta Puntland oo uu Wasiirkii hore Shire Haji Farah lagu eedeeyey in masuu’liyada leeyahay – Maadaama ay dhaliilahaasi jiraan waxaa la saadaalin karaa in dhaqaalaha Puntland inuu noqdo mid ka sii dara.

Dhinac walba marka laga fiirsho siinta Wasiirka Maaliyada shakhsi dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Karkaar fasirkeedu wuxuu noqonayaa u abaal gudid arin ku salaysan kaliya oo aanan wax shaqo ah ku lahayn dhinaca horumarineed ee dhaqaalaha Puntland sida wax ka qabadka mushaharooyin la’aanta baahsan ee jirta.

Siin Xubno Muhiima Gobolka Nugaal, Mise?

Labada Wasaaaradood ee gobolka  Nugaal qayb ahaan u helay isku-shaandhaynta xiligan, marka la fiirsho waxqabadka iyo ahmiyada Wasaaradaha ay leeyihiin waxaa la orankaraa Dr. Gaas G.Nugaal wuxuu ka filayaa inuu ka helo taageero buuxda, dhainaca kale uu helo xalin arimaha sida uu isagu u rabo arimaha ismarin waaga oo ka dhaxeeya Dr. Gaas iyo Saarkiisha Ciidamada ka soo jeeda Gobolka.

Waxqabadka wasaaraduhu Gobolku wuxuu ula siman yahay Gobolada kale balse Xubnaha meesha ay ka soo jeedaan ayaa muujinaysa inuu gobolka mudnaansiiyey Dr.ku, marka laga eego sida reer Puntland ama guud ahaan Somalidu wax ku qiimeyso hab-qaybsiga awoodaha golayaasha dawlada. Qiimeyta ku salaysan qaabkan oo marna la qiimeyn kartida iyo aqoonta qofka waa waxyaalaha arimaha xalin-waaga ah ee ragaadiyey xaalada Somalia.

Bal aan kala dhigno labada Wasaaradood sida mida Caafimaadka iyo Amniga. Wasaarada Caafimaadka xubinta loo magacaabey Dr. Abdinasir Awke waxaa muuqata inuu Mudane Dr. Gaas uu qadariyey aqoonta uu leeyahay xarunta ama qaybtaa Caafimaadka ah shakhsiyana uu yahay nin takhasus fog ku leh Aaga Caafimaadka. Hadaba maxaa Dr. Abdinasir xerada Siyaasada soo galiyey marakan. Dhakhtarku wuxuu ku sifoobey nin madaxbanaan waliba aad uga madaxbanan Issimada Dhaqanka reer Nugaal.

Sidaad daraadeed Dhakhtarku wuxuu buuxiyey sharuudihii uu Mudane Dr. Gaas ka rabey Xubinta Wasiirka u noqoneysa G. Nugal. Sababtoo ah Waxaa muuqata inu Dr. Gaas ula kac uga tagey Xubnihii Wasiirnimda ay u soo sharaxeen labada Issin ee reer Nugaaleed Islaan Isse iyo Suldaan Garaase, xubnahaas oo kale ah Mohamed Abdi Nur oo xaga Islaanka ka tartamayey iyo Abshir Omar Huruse oo xaga Suldaanka loolanka kaga jiray. Waxayna qoonsadeed ka dib markii ay Issimadu karaameen waayen xulufadii dhaqanka iyo siyaasada is huwanaa ee Dr. Gaas oo kala ahaa Boqor Burhaan iyo Suldaan Abdiqani Qorane, kuwasoo Issimada reer Nugaaled Boqorkana aysan sooryeen Suldaan Abdiqano Qorane uu Dr. Gaas si toosa ugu lug lahaa Caleemo-saarkiisa ay ku soo Saareen Suldaankii Dhaxal sugaha ahaa ee Beesha Mahamed Omar. Somalidu horey waxay u tiri “ ninkii martidaada sooryeen adna ha yeelin muraadkiisa”.

Dhinaca Wasaarada Amnigu waxaan la orankarnaa “laaca aragtaye looga ma og tahay” reer Nugaaleedow. Wasaarada Amnigu waa xubin runtii Puntland oo dhan muhiim u ah, khaasatana waxaa aalaaba loo dhiibaa hadba xiligaas beesha awoodaada dhinaca ciidan ama siyaasadeed laga baqayo in ay ka hortimaado danaha ama siyaasada Xakuumada markaa jirta u jeexan. Wasiirka cusub Abdi Hirsi Qarjab waa nin awaamiirta xukuumada inuu meel mariyo hadey arintu Mur ka kharaar tahay lagu yaqaan. Sida laga war hayo aan horey ugu soo sheegay waxaa in dhawaalo jiray xurguf ka dhex jirta Saraakiil sar sare ee G. Nugaal ka soo jeeda iy Dr. Gas. Xal u helida ama soo afmeerida arintaa waa sababta ugu weyn ee Wasiirkii hore Amniga Hasan Aloore uu ku fashilmey wax ka qabadkeeda isagoo mar walba qaadanayey go’aamo khilaafka sii hurinayey.

Waa muuqataa inuu Dr. ku qiray reer Nugaaled inay yihiin cudud jirta aan la dafiri karin xasiloonida Puntland qeyb wayn ka yihiin. U dhiibita masuuliyada noocan oo kale ah ma loo qaadan karaa hiil gaar ahaan G. Nugaal loo galey sida in badan ay qabto oo arinta ka fiirisa dhinaca iska muuqda una aragta guul soo hoyatey.

Aan isku deyno inaan ka fiirino dhinaca maldahan oo maskax siyaasadeesan ka dambeyso, muddana ka fakaraysay sida shaxdaan looga faaidaysan lahaa in lagaga takhaluso Saraakiil ka madax adeegay siyaadii Dr. Gaas uu rabey inuu ku ragaadiyo awoodooda ciidan. Sababta uu ciidamada Dr. Gaas ugu yimid Puntland uu u rabo inuu wiiqo ama dhamaantood hawlgab uga dhigo ayaa loo macnayn karaa inuu abuurayo awoodo kale oo ciidan uu Dr. Gaas shakhsiyan gaar u leeyahay oo xaafadeed. Ciidama Daraawiishta ee Puntland ayaa fikirkaan kaga duwan Madaxweynaha waxayna hada ka hor diideen qorshe Aminson la rabo in Puntland lagu keeno waxayna ula muuqatey keeninsta ciidama Aminson mid lagu baabi’inayo jiritaankooda.

Fahanka arimahan maldahan ee xilka Aminga loogu dhiibey reer Nugaaleed xiligan waxay suurta galin kartaa in ay ku kala badbaadnaan dhexdooda, kubada sarran ee dhexdooda la soo dhigayna iska saaraan.

Dawlada Dawlad ku Hoos jirtey

Laba Wasiir taariikhda madow ay ku leeyihiin Puntland darteed awalba lala ayaabanaa xilal u dhiibkooda waliba Wasaaradaha ugu muhiimsan Puntland, waxaa loogu qiil dayi jiray inay ahaayeen Xulufo Siyaasadeed oo Dr. Gaas aad ugu dhaw balse xisbi gaara ah – siyaasiyan xagjir kuwa loo yaqaan ‘midigta fog’.

Qadiyada siyaasada Puntland ka leeyihiin xisbiga labada Wasiir Ali Haji Warsame iyo Dr. Saadaq Eenow oo intabadana is yeel-yeela si dadku marlbaad kalsooni uga helaan, waxay tahay ku soo dabaalida afkaartii awalba reer Puntland isaga horyimaadeen khasaaro mood iyo maal lehna gaystey 1992kii-1993kii iyo 2006kii dagaalkii Maxaakiimta lagu soo qaadey Puntland xiligii Mudane Cade Muse oo marakan daahsoon oo dharloo gashay. Mudo sanad iyo barka xilalka ka hayeen Xukuumada Dr.Gaas labada Wasiir waxaa jiray cadaadis ka imaanayey International Community iyo Wadamada Dariiska ay ka mid yihiin Ethiopia iyo Kenya. Mar walban waxay xiriirka siyaasada dibada muujinayeen kalsooni dari labada Wasiir ka mid ahaansha xukuumada uu Madaxweyne Moderate ah uu talada hayo.

Ali Haji iyo Dr. Saadaq Eenow marka la fiirsho dhinaca waxqabadka Wasaaradaha ay u magacaabnaayeen waxay ahaayeen kuwa ku amaanan waliba Ali Haji mudada yareed wuxuu muujiyey dadaal dheeriya uu kor ugu soo qaadey tayada Wasaaradiisa. Barnaamijka shaqo marka aan laga yimaado, habdhaqanka labada Wasiir way muuqatey inay ahaayeen niman firqa gaara ‘different entity’ oo iskood hawsha Dawlada isaga wata wax xiriira la lahayn Madaxweynaha. Waxaa in la is xusuusiyo mudan markii Ali Haji wasiirka laga dhigay iyadoo xiriirka Dawlada Federalka iyo Puntland la soo celin inuu Mugdisho ka degay isagoon wax wada tashiya la yeelan Madaxweynaha. Waxaa iyana xusid mudan xili Dr. Gaas xiriirka ka gostey Dawlada Federalka mar labaad inuu Ali haji dib ugu noqdey Muqdisho. Waxaa intaa waheliya qabashadii Ali Haji shirarkii dibadaha uu ku dhaleeceynayey Madaxweynaha Puntland isagoo Wasiirkiisa ah.

Soo ururinta dhamaan danaha siyaasadeysan ee laga leeyahay magaacibista iyo isku shaandheenta golaha Wasiirada, waxay u muuqataa mid aanan laga dhaxlidoonin isabadal rasmiya inuu ka taaba galo Puntland oo xaalad adag aysan horey u soo marin hada ku jirta marka laga fiirsho dhinacyada suurta galiya helida Xakuumad tayo leh. xalka kama dambeysta ah rajada Puntland ku xiran tahay waa badalida hab-dhaqanka siyaasadeed ama fikradeed ee zafiiska Puntland u sareeya ku shaqeeyo.

XIGASHO: PUNTAFFAIRS

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com