Xildhibaanada BF oo kasoo horjeestay go’aankii Cabdi Weli ku magacaabay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjestay guddi uu dhawaan magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Guddigan ayaa loo magacaabay inay ka soo shaqeeyan dhismaha maamulka uu muranka ka tagan yahay ee koonfur galbeed, kaasoo noqonaya saddex gobol, balse xildhibaannada ayaa sheegay inay sharci darro tahay magacaabida guddiga.

Xildhibaannada waxaa kalo ay sheegen madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya, madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka inay jabiyeen dastuurkii dalka u yaallay, sida qodobka 49-aad ee dastuurka Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Geesay oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa xilli uu la hadlayey warbaahinta gudaha waxaa uu sheegay in madaxda dowladda ay isku raacen sharci darro, ayna tallaabi ka qaadi doonaan ra’iisul wasaaraha.

“Guddi siddeed iyo tobon ah oo loo dhisay saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, kaas oo an waafaqsaneyn sharucda iyo dhaqanka wadanka, madaxda ay arrinta ka soo baxday, aadbaan ugu xunahay inay ku talabsadan waxuusan dastuurku ogleyn qodobkiisa 49-aad” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Geesay .

Waxaa kalo uu sheegay xildhibaan,Maxamed Cabdullaahi Geesay in wax laga xumaado ay tahay tallaabada ay madaxda qaaten,waxuuna inta ku daray in la marayo xilligii bulshada la nabaden lahaa balse aysan wanagsaneyn wax dhibaato u keenaya oo aysan oglen in la sameeyo.

Xildhibaanka ayaa si aad ah ugu dhaliilay madaxda dowladda inay go’anka guddiga lugu dhisay uu yahay mid kala fogeynaya dadka degga gobollada la doonayo in loo sameeyo maamul.

Halkan hoose ka dhageyso xildhibaanka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com