Xildhibaanada baarlamanka oo maanta qaaday tallaabo culus, kadibna ansixiyay….

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo culus oo ay ku mee-mariyeen laba hindise sharciyeed iyo heshiis kale oo muhiim u ah Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad, ayada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha.

Ugu horreyn xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka, si loo waafajiyo Qodobka 82aad Fagradisa 4aad ee Dastuurka KMG.

Sharcigan ayaa waxaa haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay, sida uu shaaciyay guddoomnka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale isla kulankan ayaa waxaa lagu meel-mariyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Hindisahan waxaa haa ku ogolaatay 149-Xildhibaan Hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin, sida uu ku dhowaaqay guddoomiye Abshirow.

Intaas kadib golaha ayaa guda galay dood kale oo ku saabsaneyd heshiiska ku biirirsta Soomaaliya ee Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika, kaasoo muhiim ah.

Heshiiskan ayaa waxaa ogolaaday 148-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday Hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay dardar-geliyay howlaha shaqo ee horyaalla, waxayna sidoo kale ka doodayeen xaaladda siyaasaddeed gaar ahaan dastuurka.