Xildhibaanada BF oo u carreysay Cabdi Weli “Waxaa laga xukumaa Puntland”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee taagan uu mas’uul ka yahay Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Xildhibaanada oo kulan gaar ah ku yeeshay Hoteel ku yaalla Muqdisho, ayaa eeda khilaafka dusha uga tuuray Cabdi Weli oo ay ku tilmaameen shaqsi laga xukumo, kana amar qaata maamulka Puntland.

“Cabdi Weli wuxuu garab maray dastuurka, wuxuu lumiyay mas’uuliyadiisa uu qaranka u hayay, wuxuuna noqday shaqsi ka shaqeynaya kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sameeyay tallaabooyin qaldan,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed C/llaahi.

Wuxuu tilmaamay in Cabdi Weli u saxiixay maamulka Puntland heshiis khilaaf badan dhaliyay, isagoo aan kala tashan ayuu sidoo kale u diray madaxweyne Cabdi Weli Gaas in uu ka qeyb galo shirkii London, iyadoo uusan ku wargelin madaxweynaha dalka.

“Khaliif Ereg ayuu wasiirka amni u magacaabay, mana kala tashan madaxweynaha, wuxuu xilka taliyaha booliska u magacaabay General Maxamed, wuxuu xilka ka qaaday dhawaan taliyaha nabad sugida, intaasi oo dhan ma uusan kala tashan madaxweynaha, marka khilaafka isaga ayaa mas’uul ka ah Cabdi Weli” ayuu yiri.

“Madaxweynaha waa mas’uulka ugu sareeya waddanka, waana sharci ilaaliyaha qaranka, khilaafka maanta jira waxaa mas’uuliyadiisa leh R/W Cabdi Weli oo qaladaadkiisu ay joogto noqdeen” ayuu yiri.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in RW C/Wali uu noqday mas’uul dastuurka dalka ku xadgudbay, oo u ogolaaday in maamul goboleed uu qaranka ku matalo shir caalami ah, sidoo kalena hal magaalo (Gaalkacyo) u kala qeybiyay shacabkeeda labo maamul.

“Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu shalay magacaabay RW C/Wali, isaga ayaan maanta xaq u leh inuu xafiiska ka eryo mar haddii uu kasoo bixi waayay waajibkiisa qaranka, waana xil-gudasho la’aan” Xildhibaanada kulmay ayaa sidaa yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com