Siyaasi iyo ganacsade caan ah oo loo xiray geeridii taliyahii boliiska Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka degmada Cabdi Casiis, Xasan Xaaji iyo ganacsade Gurey oo ah milkiilaha maqaayad cusub oo dhawaan laga furay xeebta Liido oo lagu magacaabo Banaadir Beach ayaa xarunta CID-da lagu xiray, sababo la xiriira shakiyo isa soo taraay oo ku saabsan geerida taliyaha booliska.

Taliyaha ayaa todobaadki u dambeeyey macaamiil ka aha maqaayada halkaas oo uu shalay galab fadhiyey marki xanuunka wadnaha uu ku soo boodayey, waxaana ay wada fadhiyeen gudoomiye ku xigeenka iyo ganacsade Gurey oo ay saaxibo dhaw ahaayeen.

“Iyagaa qaaday oo cisbitaalka Umma la tagay una yeeray gaarigiisa aan xabadaha Karin, markii uu soo ritay wadno xanuunka kadibna cisbitaalka ayeey u raaceen halkaas oo uu ku geeriyooday “ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaro ku shaaheysay maqaayada Banaaadir Beach.

Ciidamada booliska ayaa xalay lagu arkayey maqaayada iyagoo baaraya, si ay u xaqiijiyaan xaaladihi u dambeeyey ee taliyaha oo halkaas ku qaxweynayey shalay markii uu xanuunka kusoo booday.

Sidoo kale waxaa xalay la xiray dhaqtarki daweeyey iyo laba kalkaaliye kuwaas oo ilaa hada xiran su’aalana ay ku socdaan. Dhaqtarka waxaa la sheegay inuu Kenyan yahay.

Si kastaba, xildhibaanno la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in taliyaha uu wadna xanuunka ku dhacay markii uu isticmaalay kaniiniga Viagra, islamarkaana uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli siyaasadeynayo arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com