Xasan Sh. oo mowqifkiisa u caddeeyey caalamka iyo C/Weli oo laga yaabo in…

MUqdisho (Caasmada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa la soo sheegayaa in go’aan kama dambeys ah uu ka qaatay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Iyadoo Beesha Caalamka soo jeedisay inay wada shaqeeyaan Masuuliyiinta Dowladda Federalka, ayaa waxaa hadana la tilmaamay in Madaxweynaha Somaliya uu Ra’iisal Wasaaruhu u arko mid aynaan wada shaqayn karin, isla-markaana ay lagama maarmaan tahay in isbedel la helo.

Madaxweynaha, ayaa Beesha Caalamka u sheegay inaysan suurta geli doonin hiigsiga sanadka 2016-ka, haddii Xafiiska Shaqada uu sii jooggo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada, isla-markaana uu soo jeedinaayo in xubin kale lagu soo bedelo.

Sidoo kale Madaxweynaha, ayaa Caalamka u sheegay in Dowladdiisu ay dooneyso in Xafiiska Shaqada uu isaga taggo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, haddii kalana ay go’aan kama dambeys ah uu ka gaari doono Baarlamaanka.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa Dhacdo.com u sheegay in qorshaha Madaxweynuhu uu yahay, iyadoo uu meesha ka baxo C/weli Sheekh Axmed Maxamed, maadaama uu ka gaabiyay in uu la shaqeeyo Hogaamiyaha Wadanka.

Madaxweynaha, ayaa waxa uu qabaa in Ra’iisal Wasaaruhu uu u soo magacaabay si uu ula shaqeeyo, ha yeeshee uu markii dambe uu Ra’iisal Wasaaruhu uu isu arkay masuul ku awood ah Madaxweynihii tallada dalka haayay.

Madaxweynuhu wuxuu C/weli Sheekh Axmed uu ku heystaa in uu Baarlamaanka ka soo celiyay hindise sharciyeedyo ay horey ugu gudbisay Xukuumada, kuwaa oo laga xusi karo sharciyada ka hortagga musiibooyinka iyo qaxootiga. Waxaa kaloo jiro in Ra’iisal Wasaaraha lagu eedeynaayo in uu caqabad ku noqday hawlaha dardargelinta ee Garsoorka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxa uu xal u raadinayaa khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Walow Madaxweynuhu uuba cadeeyay inaanay wada shaqayn karin Ra’iisal Wasaaraha.

Wararka laga helaayo Madaxtooyada Magaalada Muqdisho ee la xiriira khilaafaadka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxay yihiin kuwo si weyn isu soo taraaya.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Waaarihiisa, ayaa jirsaday maalintiisii lixaad.

Isha dhacdo