XOG cusub oo kasoo baxday sababta geerida talyihii booliiska Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo is khilaafsan ayaa kasoo baxaya geerida taliyihii hore ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Xasan oo shalay ku geeriyooday Muqdisho.

Xalay ayaa ciidamada nabad-sugidda waxay xireen dhaqaatiir Kenyan ah oo ka shaqeenayey isbitaalka UMMAH ee Muqdisho oo taliyaha uu ku geeriyooda. Waxaa arrintaas amray ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Inkasta oo tuhunkii xalay uu ahaa in taliyaha la summeeyey ayaa waxaa Caasimada Online soo gaaray xog ku saabsan xanuunka kusoo booday taliyaha iyo waxa sababay.

Ilo-wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in taliyaha uu isaga oo qaba cudurka dhiig karka uu isticmaalay kaniinga galmada xoojiya ee Viagra, taasi oo keentay halis ku timid wadnihiisa, uuna u geeriyooday.

Sidoo kale xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inuu arrintaas isna maqlay.

Xildhibaanka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu siyaasadeenayo geerida taaliyaha, taasina ay tahay wax aad looga xumaado.

Si kastaba taliyaha ayaa meydkiisa la dhigay isbitaalka Digfeer ee Turkiga ay maamulaan, halkaasi oo lagu sammeynayo baaritaan ku saabsan sababta uu u geeriyooday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com