Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku aadan in xildhibaanadii taageersanaa ra’iisul wasaare Cabdi walli Sheikh Axmed Maxamed ay ogolaadeen in maalinta berito ah uu buuq la’aan ku qabsoomo fadhiga xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada la safan ra’iisul wasaaraha ay aqbaleen mooshinka inkastoo aan la cadeyn karin, waxaana ay aqbaleen in buuq la’aan uu dhaco kulanka berito ah.
Arrintan ayaa la sheegayaa in ay ugu wacan tahay kadib markii ay ogaadeen in ra’iisul wasaaraha uu wada-hadal qarsoodi ah kula jiro madaxweynaha kaasi oo ku saabsan is-casilaad.
Sidoo kale Caasimada Online oo ay la hadleen qaar kamid ah xildhibaadii mooshinka ka horjeeday ayaa waxay u sheegeen in maalinta Axada ee Berri xildhibaanada kaliya loo qeybinayo mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheikh Aadan, madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed oo dhawaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa arintaan ku yeeshay galaangal badan, isagoo kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanada kala taageersan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.
Dhanka kale wararka aan helayno ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu ka dalbaday xildhibaanada taageersan inay aqbalaan codka kalsoonida, taasi oo la yaab ku noqotay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]