25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xildhibaanada Galmudug oo go’aano kale qaadanaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xiisad cusub ka taagan tahay magaaladaasi.

Xiisada ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamo badan la geeyay hoyeelada magaalada Cadaado oo maalmahaan ay ku shirayeen xildhibaanada baarlamaanka ee Galmudug.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin hareeraha hoteelada magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, la ogeyn ujeedada ka dambeysay.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaanan u joojin howlihii ay wadeen ciidamada cusub ee lagu wareejiyay hoteelada magaalada Cadaado.

Waxaa maanta markale ay kulan ku yeesheen magaalada Cadaado, iyaga oo ka hadlayay howlaha horyaala xildhibaanada Galmudug.

Xiisad cusub ayaa ka dhex taagan xildhibaanada Galmudug iyo madaxweynaha maamulkaasi, kadib markii dhawaan ay codka kalsoonida kala laabteen C/kariin Xuseen Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News