Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay xarig sharci-darro ah oo ganacsato kasoo jeeda deegaannadaas loogu geystay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ganacsatadan ay muddo saddex maalmood ah u xiran yihiin mid ka mid ah beelaha deggan waqooyiga Gaalkacyo, kuwaas oo uu sheegay inay ku andacoonayaan in nin kasoo jeeda Koonfur Galbeed uu ku lug lahaa dil ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.
“Koonfur Galbeed waxaa degan in ka badan 200 oo beelood. Haddii beel dhibaato geysato, waxaa lala xisaabtamaa beeshaas gaar ahaan, lagamana aargudan bulshada inteeda kale. Ficilkan wuxuu abuuri karaa dhaqan aan wanaagsaneyn, maadaama ay jiraan dad reer Puntland ah oo ku nool Koonfur Galbeed muddo ku dhow 50 sano. Soomaali meel walba way wada deggan tahay, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo wada noolaanshaha iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jilley.
Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay Maamulka Puntland inay arrintan si degdeg ah ugu farageliyaan, isagoo sidoo kale ugu baaqay booliiska Puntland inay la xisaabtamaan dadka ka dambeeya falkaasi.
Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo isna ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay xarig lagu qaaday nabadoonno iyo ganacsato kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, kuwaas oo lagu xiray waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa falka foosha xun ee lagula kacay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, waana mid aad uga fog diinteena Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaalinimada,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud.
Dadkan, oo tiradoodu gaarayso ilaa 12 ruux, ayaa loo haystaa arrimo la xiriira aano qabiil, gaar ahaan dil horey uga dhacay magaalada Gaalkacyo.
Cabdisataar Xasan Cali, oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed, ayaa isna ka hadlay dhacdadan. Wuxuu sheegay in dadka la xiray ay isugu jiraan ganacsato iyo nabadoonno kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, isla markaana ay aad uga xun yihiin hab-dhaqanka lagu maamulay arrinta.
Ilaa iyo hadda Maamulka Puntland kama uusan hadal dhacdadan, balse arrintan ayaa si weyn looga dhiidhiyay baraha bulshada, halkaas oo lagu baahiyay muuqaallo muujinaya rag lugaha iyo gacmaha ka xiran oo lagu haysto goob gaar ah — taas oo loo arkay fal ceeb ku ah dhaqanka Soomaaliyeed.