Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee laba aqal oo 6 qodob kasoo saaray hadalkii wasiir Cabdullahi Goodax

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ku matala deegaanada Puntland oo manta kulan isugu yimd waxa ay kaga hadleen khilaafka ka dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo tan Dowlad Goboleedka Puntland.

Mudanayaashaan oo warbaahinta la hadlay kulankooda kadib waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen in xiligaan uu xoogeysto khilaafka salka ku haya qaadista imtixaanka sanadeedka iyo bixinta shahaadada.

Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa sheegay inay la xisaabtamayaan Wasiir Goodax, waajibkooda dastuuriga ka gudan doonaan, waxaa ay sidoo kale tilmaameen inay arrintan kala hadli doonaan Madaxda dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa duray mas’uuliyadda Wasiir Goodax, iyagoo sheegay in aanu qaadi karin xilkaas culus oo aanu isu keeni karin Soomaalida kala tagtay, waxaana ay ugu baaqeen Madaxda dowladda Federaalka inay soo farageliyaan.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada ay soo saareen

1: Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed waa xaq dastuuri ah oo laba taabtaan ah sida ku cad qodobka 30.aad ee datuurka KMG ah ee Somalia,isla markaana aysan dhici karin in Magaca dowladda ay mas’uuliyadda Wasaaradda Waxbarashada si qaldan u isticmaalaan.

2: Ma jiraan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo ka qeyb qaadan waayey xalinta arrintaan,balse uu jiro doorweyn ay ka qaateen si xal loo gaari lahaa,iyaga oo la kulmay Wasiir Goodax Barre iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland.

3: In Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu burburiyey howlihii dhex dhexaadinta aheyd oo ay wadeen,isla markaana aysan iyagu maqal Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Puntland u tegay Arrimaha khilaafka.

4: In aan ula xisaabtameyno Wasiir Goodax Arrintaan uu sameeyey anaga oo adeegsaneyna awood Datuuri ah ee la xisaabtanka Golayaasha sida ku ad farqada labaad xarfka B-C ee qodobka 69aad ee Dastuurka KMG ah.

5: In aan la kulmeyno Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhacdadaan mugdiga gelineysa Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed.

6: In Ardayda iyo Waaldiinta Soomaaliyeed ay naga war sugaan,isla markaana arrintaan ay wax wanaagsan ku dhamaan doonto.