25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Xildhibaanada KUTLADA qaarkood oo diiday mooshinka Jawaari (Xog cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/Bare Jabriil oo wareysi gaar ah siiyay shabakada wararka www.caasimada.net ayaa si kulul uga hadlay mooshin degdeg ah oo xildhibaanada ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari kaasoo looga soo horjeedo inuu shir gudoomiyo shirka Berito ee codka kalsoonida loogu qaadayo Xukuumada cusub.

Xildhibaanka C/bare wuxuu ugu horeyn ka digay in xiligaan oo dalku laheyn wax xukuumad sida uu sheegay in mooshin laga keeno gudoonka baarlamaanka.

“Mooshinkaani waa degdeg waxa aad mucaaradeyso waa inaad waqti u heshaa oo qodobeysaa laakiin sidan waxay sumcad xumo ku tahay baarlamaanka oo loo arki doono mid dano gaar leh”ayuu yiri C/barre

Cabdi Barre
Cabdi Barre

Xildhibaanka wuxuu ka codsaday xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari inay degdeg uga laabtaan iyagoo eegaya danaha guud ee dalka.

“dalku xukuumad shaqeysa malaha marka hore xukuumada cusub ha hesho codka kalsoonida kadib si sharci ah mooshin uga keeneysa Gudoonka xaq ayay u leedahay inay la xisaabtanto gudoonka laakiin xaalada hada dalku ku sugan yahay kuma haboona in mooshin laga keeno gudoomiye Jawaari”ayuu yiri Xildhibaan C/barre Jabriil

Mas’ulkaan wuxuu soo hadal qaaday mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari iyo mucaaradad lagala hortago xukuumada cusub inay labadaba noqon karto mid mar kale dhaawici karta sumcada baarlamaanka

“wax kasta hadii diidmo lagala hortago waxay shacabku noo arkayaan inaan dano siyaasadeed leenahay oo saldanad doon nahay halkii danaha shacabka iyo tan qaranka inaan difaacno aan kursiga ugu fadhin laheyn”ayuu yiri C/bare Jabriiil.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News