Xildhibaanada Majeerteen & Ogaaden oo mooshin geeyey Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Soomaalia, ayaa manta la geeyey mooshinkii ugu horeeyey mooshin dhowr ah, oo la damacsan yahay in la geeyo kalfdhigga cusub ee dhowaan furmay.

Mooshinka, ayaa waxaa keenay 15 mudane, waxaana loogu yeerayo labo wasiir oo kala ah wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/laahi Goodax Barre iyo wasiirka amniga qaranka C/kariin Xuseen Guleed.

Xildhibaanada mooshinka keenay, oo ah kuwa beelaha Majeerteen iyo Ogaadeen, ayaa waxa ay ku dhaliileen labada wasiir.

Waxa ay ku tuhmayaan inay kasoo horjeedaan maamulka Axmed Madoobe, hase yeeshee waxay mooshinka u qoreen in labadan wasiir aysan howshooda gudan, baarlamanka uusan aqbaleyn mooshin ku lug maamulka Axmed Madoobe.

Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in maadaama mooshinka uu hab sharci ah ku yimid uu farayo in labada wasiir ee loo yeeray ay baarlamaanka ku yimaadaan saddex maalmood gudahood si su’aalo loo weydiiyo.

Laba maalmood ka hor, ayaa xildhibaan Cabdirashiid Xiddig, oo ka mid ah dadka u ololeeya maamulka Axmed Madoobe, waxa uu labadan wasiir ku dhaliilay inay dagaal ka dhan ah Kismaayo abaabulayaan.

Isla fadhiga maanta ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxaa lagu dhaariyey Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta noqotay xildhibaan cusub oo baarlamaanka ku soo biirtay, iyadoo tirada mudanayaasha kulanka fadhiyey “kooramka” uu markaasi ka dib noqday 145 mudane dhaarinta Marwo Fawsiyo kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com