Prof. Jawaari oo ku dhowaaqay go’aan muhiim ah oo ka dhan ah DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Somalia, ayaa maanta 29.March 2014 sheegay inay mamnuuc tahay in DF Somalia ay lacag ka saarto bankiga dhexe ee uusan ka war qabin guddiga maaliyadda baarlamaanka Somalia.

Jawaari ayaa fadhiga maanta ee baarlamaanka ka hor sheegay billowga bisha afaraad inay warqad codsi ah u diri doonaan dadka gacanta ku haya maamulka Bankiga dhexe ee Muqdisho, kaasoo ku aadan inaysan bixin karin wax qarashaad ah oo aysan soo saxiixin guddiga maaliyadda ee barlamaanka.

Arrintan ayuu ku sheegay inay tahay hubinta lacagta laga saaro bankiga iyo sida wax loogu qabto maadama baarlamaanku uu wakiil ka yahay shacabka, lacagta laga saarana bankiga loogu addeego bulshadda Soomaaliyeed.

“Wax Alle iyo wixii hanti ah ee ku jira qasnadda DF waxaa leh shacabka ,shacabkana waxaa wakiil ka ah golahan, lacag aan ogolaasho looga haysan golahanna lama bixin karo,Jawaari oo sii hadlaya ayaa muujiyay inay arrintan xil ka saaran tahay.

Amarka Jawaari ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noocaasi ah oo baarlamaanka laga dhex maqlo tan iyo mudaduu uu dhismaa.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay fadhigaan iyo kan ku xiga la qaban doono shaqooyin faro badan sidaasi darteedna xildhibaanada looga baahan yahay inay waqti ka badan koodii caadiga ahaa ay shaqeeyaan maadama lagu rajo wayn yahay in 2016-ka la qabto doorasho xor ah.

Balse arrinta uu murunku ka taagan yahay ayaa ah mamulada iska soo horjeeda ee looga dhawaaqay magalada Baydhabo ,mamulka lixda gobal ee Baydhabo waxaa horay u taageeray Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari halka kan saddexda gobal ka koobana ay taageero u hayaan xildhibaanada qaar iyo xafiiska Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com