Xasan Sheekh oo Baydhaba gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegay in magaalada saakay ammaankeeda aad loo adkeeyay isla markaana la joojiyay dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo gawaarida.

Xog badan lagama hayo socdaalka Madaxweynaha ee Baydhabo iyo cidda uu kula kulmi doono balse waxaa jirtay khilaaf dhinaca madaxda dowladda oo ku aadan maamulada is-barbar socda ee looga dhawaaqayo Baydhabo.

Madaxweynaha ma taageersana maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed balse waxaa maamulkaas in uu dhaqangalo wada guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isaga ayaa furmay sannad ka hor inta aan la dhisin.

Waxaa kaloo laga yaabaa in uu madaxweynaha la kulmo mas’uuliyiin ka tirsan maamulada looga dhawaaqay Baydhabo iyo odayasha deeganka.

Magaalada Baydhabo waxaa ka taagan khalalaaso siyaasadeed kaddib markii labo madaxweyne magaalada ay yeelatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com