Shariif Xasan Sh oo soo rogaal celiyey (Maxaad kala socotaa qorshahiisa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan oo dhawaan dibadbaxyo looga soo hrojeedo ay ka dhaceen Magaalada Baydhabo ayaa la shaaciyay inuu maanta oo Axad ah mar kale ku wajahan yahay Baydhabo, kadib markii dhawaan ay Madaxda DF ugu yeereen Muqdisho.

Madoobe Nuunow oo dhawaan loo doortay Madaxweyne ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan imaanshaha Xil. Shariif Xasan ayna sameyn doonaan dibdbax weyn oo looga soo horeedo.

“Axadda waxaa magaalada kusoo wajahan Shariif Xasan, waxaana dhigi doonaa dibad-baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo” ayuu Madoobe ka sheegay kulan shalay maamuus loogu sameynayay Odayaashii dhawaan lagu dilay duleedka Buurhakaba iyo dil wiil 13-jir ah loogu geystay Baydhabo.

Xil. Shariif Xasan ayaa hor-boodaya Maamul ay ku mideysan yihiin Sadex Goboo oo Laba maalmood ka hor looga dhawaaqay Baydhabo, kaasoo xilka Madaxweyanah loogu doortay Maxamed X. C/nuur [Mad-deer] oo ay walaalo yihiin Shariif Xasan.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Dibadbaxyo waaweyn oo looga horjeedo Shariif Xasan, taasoo keentay in Shariifku uu dhaafi waayo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.

“Inagu ma doonayno in dhibaato ka dhacdo Baydhabo, waayo waxaan diidanahay in shacabka Baydhabo ay iska horkeenaan ayna dad ku dhintaan” ayuu yiri Xil. Shariif Xasan oo Warbaahinta la hadlayay isagoo ku sugan Baydhabo.

Madaxda DF ayaa isku dayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay inay maamulada uu khilaafku ka dhexeeyo isku keenaan, si ay isku fahamsiiyaan, balse taasi waxay u muuqataa mid aan hirgeli karin.

Shariif Xasan ma jiro hadal dhankiisa kasoo baxay oo ku aadan in Baydhabo uu ku laaban doono maanta, balse Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jira diyaargarow la doonayo in lagu dhigo Banaanbaxyo ka dhaca Baydhabo.

Ugu dambeyntii, Maamulka Koonfur Galbeed ee lixda Gobol ka kooban ayaa horay u sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan Mas’uuliyiinta dhisay maamulka 3-Gobol ka kooban ee Madaxweynaha loogu doortay Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com