XOG dheeri ah oo ku saabsan xarriga DR. CALI MACOOW AWEYS (Dhageyso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo maalin kahor Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland lagu xiray dhaqtar Cali Macoow Aweys oo ah Dr. Soomaaliyeed kana yimid dalka Uk, ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliland.

Cabdirashiid Xaashi Cabdi Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliland, ayaa sheegay in Dr Cali Macoow Aweys uusan xiriir la soo sameynin xilligii Soomaaliland uu tagaye.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Dr. uu qaabilay bukaano badan oo dhaqtar hal maalin uusan qaabili Karin, taasina marka loo eego ay tahay arin aan sharci aheyn oo ka baxsan shaqada Dhaqaatiirta.

Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliland, ayaa sheegay inay canbaareynayaan inaan lagu soo wargelin imaatinkiisa Magaalada Hargaysa Dr Cali Macoow Aweys.

Dr Cali Macoow Aweys ayaa la xiray maalin kahor markii ciidamada Booliiska Soomaaliland ay ugu tageen xarun uu ka waday Baadhis oo Hargaysa ku taal, halkaasi oo ay iska diiwaangeliyeen Bukaano gaaraya ilaa 2000.

Dadka qaar ayaa sababta Dr loo xiray ku sheegay in Dhaqaatiirta kale ee Soomaaliland uu ka horjoogsaday shaqooyinkoodii, maadaama badi bukaanada ay uweecdeen dhankiisa oo baadhis u aadeen.

Halkan ka dhageyso Cabdirashiid Xaashi

dhaqaatirta

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com