Bannaanbaxyo ka socda Baydhabo iyo Faah-faahin socdaalka madaxweynaha

Baydhabo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dibadbaxo waaweyn ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo booqasho uu ku joogo madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Dadka dibad baxaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada waxaana ay ku dhawaaqayaan hadallo ah in madaxweynaha uu taageero maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga ee magaalada waxaa kaloo istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka sidda waxaa ku soo warramay goordhow Wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa kulamo la leh saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, kulankooda waa mid albaabada uu xiran yahay oo saxaafadda bannaanka ayey ka joogtaa.

Ma cadda ilaa hadda madaxweynaha iyo wafdiga la socda wax yaabaha ay u yimaadeen Baydhabo iyo in ay la kulmi doonaan dhinacyada isku haya magaalada ee kala sheeganaya labo maamul.

Magaalada Baydhabo waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo aad u cikiran taasoo gaartay in ay rabshado ka dhacaan magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com