Imisa ayey Fowsiya ku iibsatay kursiga, muxuuse sharciga Somalia ka qaban?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqan fool xun ayaa ku soo kordhay golaha baarlamaanka Somalia kadib markii Wasiiradii hore ee Arrimaha dibadda Somalia Fawziya Yuusuf Xaji Aadam lacag dhan sedex boqol kun oo dollar ay kursi Xildhibaanimo uga iibsatay nin ay isku reer yihiin oo lagu magacaabo Ismaaciil.

Wasiiro badan oo ka tirsanaa Xukumadii Saacid, ayaa xusul duub xoogan ugu jiro inay jagooyin Xildhibaanimo ka iibsadaan Xildhibaano la qabiila si ay uga badbaadaan dacwado la xiriira in lagu maxkamadeeyo qiyaano qaran iyo xatooyo hanti shacab, maadaama xildhibaannimada ay siineyso xasaanad.

Tifaftiraha Caasimada Online Axmed Cali Sheikh ayaa bartiisa Facebook ku qoray su’aal ku saabsan wuxuu sharciga ka qabo in la kala iibsado kursi Xildhibaan, wuxuuna yiri:- ” Muxuu sharciga Soomaaliya ka qabaa in la iibsado kursi xildhibaannimo (Fowsiya Xaaji Aadan), mase maba lihin sharci noocaas ah?. Waxaan ogahay in governor-kii hore ee gobolka Illinois ee USA Rod Blagojevich uu xabsi 14 sano ah ku muteystay, markii uu isku dayey inuu kursiga Senator Obama ka iibiyo Oprah Winfrey, oo ay iska diiday”?

Somalida waxay aad u hadal hayaan kursiga ay iibsatay Marwo Fawziya Xaji Aadam, iyadoo falka nuucaasa uu niyad jab weyn ku abuuray qalbiyada Wadaniyiinta Soomaaliyeed.

Ficilka Fawziya ku iibsatay kursi Baarlamaan waxaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday warbaahinta waagacusub oo qortay February 15, 2014, waxaana todobaadkaan faafin doonnaa Liiska Wasiiro ka tirsanaan jiray Xukumadii Saacid oo kuraas baarlamaan ka iibsaday shaqsiyaad la qabiila, sida Fawziya sameeysay.

Si kastaba ha ahaatee, Dambiga ay gashay Fawziya maaha mid ay kaga badbaadi karto xilka ay iibsatay, waxaana kiiskeeda ku socdo baaris heer caalamiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com