Wada-hadallo u furmaya DF iyo P/Land

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa iyo DF Somalia ay wada-hadallo u furmayaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in Somaliya ay ka jirto Dowlad Federal ah, isla-markaana ay Puntland qayb ka tahay Dowladda, wixii labada dhinac ka dhex jirana ay tahay in laga wada hadlo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay wada hadalo la galayaan Dowladda Federalka ee Soomaaliya, iyana ay diyaar u tahay in Puntland ay kala hadasho, wixii khilaaf ah ee jira, dowladduna ay diyaar u tahay..

Gaas, ayaa wuxuu hadalkaan ka sheegay Barnaamijka Martida Microphone-ka, ee ka baxa laanta afka Somaliga ee VOA.

Halkan ka dhageyso Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com