DHAGEYSO: AW-LIBAAX oo erayo yaab leh ku qeexay XILDHIBAAN XIDDIG

Buurdhuubo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Ahlusunna ee Gobalada Koonfureed Sheekh Maxamed Aw-libaax ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgalad kasocda gobolka Gedo islamarkaana sheegay in deegaanada laga xoreeyo loo sameeyay maamul.

Sheekh Awlibaax ayaa sheegay in Maamul ay u magacaabeen degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo ,isagoo sheegay in maamulkaas uu hoos imaan doono Dowladda Dhexe ee somaaliya.

Dhinaca kale Sheekh Awlibaax ayaa waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadalada kasoo yeeraya Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, Waxaana uu sheegay inuu ka tirsan yahay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, islamarkaana uu kamid yahay kuwa xasuuqaya shacabka magaalada Kismaayo.

Halkan ka dhageyso wareysiga Aw-Libaax

awlibaax

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com