28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Sawirro: Xildhibaannada raacsan R/W C/WELI oo war cusub soo saaray kuna dhawaaqay urur magac cajiib ah leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho xildhibaanada taageersan raisul wasaaraha Somalia, waxayna beeniyeen wararka sheegaya in maanta mowshin lagu qeybiyey fadhigii baarlamanka, iyagoo faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen.

Xildhibaan C/risaaq Jurille oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay inuusan jirin kulan furmay maanta oo baarlamanku isugu yimid isagoo marka hore sharaxay qaabka ay tahay in marka hore uu kulanku ku furmo.

“Xildhibaanada habeenkii ayaa lagu soo wargeliyaa in maalinta xigta uu jiro kulan, markey subixii tagaan xarunta golaha shacabkana waxay saxiixaan diiwaan lagu ogaanayo iney timid tiradii loo baahnaa ama kooramkii uu kulanku ku furmi lahaa iyo in kale, intaa ka dib marka gudoonku yimaado xogheynta ayaa ku dhowaaqda tirada xildhibaanada soo xaadirtay iyo in kooramku uu dhan yahay iyo in kale” ayuu yiri xildhibaan Jurille.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Jurille in nidaamkaas waxyaabo ka duwan ay maanta ka dhaceen xarunta baarlamanka sidaas awgeedna uusan jirin kulan furmay oo la xiray mowshin la qeybiyo iskaba daaye.

“Maanta waxaa dhacday markaanu meeshi nimid xildhibaanadu waxay diideen la saxiixo buuga diiwaan gelinta xildhibaanada iyagoo diidan in mowshinkaas la keeno golaha, taasina waxay na tusineysaa inaan shirku furmi Karin sharciyan maadaama aan la ogeyn tirada xildhibaanada soo xaadirtay, gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisii ayaa soo galay meeshii loogu talo galay markii ay joogsadeena waxaa hortooda soo dhoobtay xildhibaanadii diidanaa mowshinka sidii kulamadii hore ayey meesha ka qaadeen heestii Soomaaliyey toos, iyagoo leh dooni meyno mowshin xaaraan ah, guryihiina ku laabta, Qaran iyo qof waa in la kala doortaa isku mid maaha iyo ereyo kale gudoomiyihii waa isku dayey inuu xaalada qaboojiyo balse uma suuragelin sidaas ayeyna hoolka uga baxeen isaga iyo ku-xigeenadiisii, ma oran shirku waa furan yahay sidaas awgeed wax kulan ah oo maanta dhacay” ayuu yiri xildhibaan C/risaaq Jurille.

Waxaa sidoo kale ka hadlay shirkaas jaraaid xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo isna meesha ka saaray in gudaha baarlamanka lagu qeybiyey wax mowshin ah.

“Ma jiro mowshin lagu qeybiyey gudaha baarlamanka, gudoomiyaha baarlamanka ayaa xalay amray in mowshinka la qeybiyo ka dibna xildhibaanadii markii hore waxaas keenay ayaa warqadihii mowshin ku sheega qaatay xaafadaha dhexdooda iyo suuqa ayey ku soo qeybsadeen ka dibna qof walba iyadoo jeebka ku wada ayey baarlamanka timid saaka, weliba reer reer ayey u qeybsadeen reer kastaba qof iyaga ka tirsan ayaa loogu dhiibay sidaas ayey wax u dhaceen” ayuu yiri xildhibaan Dhegdheer.

Mar wax laga weydiiyey waxyaabaha ka iman kara haddii fowdada noocan ah ay sii wadaan ayuu sheegay xildhibaan dhegdheer in iyagu aysan fowdo wadin balse ay difaacayaan sharciga dalka iyo heybada baarlamanka.

“Anagu Buuq ma wadno balse waxaan diideynaa wax Qaranka Soomaaliyeed qatar ku ah, waxaad la socotiin raisul wasaaraha hadda xilka haya waa kii labaad ee soo mara dowladan sided bilood ka hor waxaan ridnay raisul wasaare hore, shaqada aan u dhaaranayma ameyn inaan raisul wasaare ridno oo ku kala ku bedelno, waxaan diidaynaa waa wax umada Soomaaliyeed ee aan wakiilada u nahay ay raali ka tahay waaye” ayuu yiri xildhibaan Dhegdheer.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay xildhibaan Dhegdheer in mowshinkan lagu ridayo xukuumada uusan ka iman baralamanka balse ay dabada ka riixayaan dhaqaale badana ku bixinayaan shaqsiyaad daneystayaal ah sida uu yiri.

“Baarlamanku shuruuc ayuu leeyahay, marka la rabo in xukuumad laa dhaliilo waxaa loo yeerayaa raisul wasaaraha ama wasiirka la dhaliilayo, waxaa la weydiinayaa shaqada ay wadaan, marka la arkoin shaqadooda aysan ku socon heerkii la rabay waa la dhaliilaa shaqadiina xoojiya ayaa la yiraahdaa, marka dambe xisaab ayaa la isugu yimaadaa, waana halkaas halka ay ka soo dhex baxdo kalsooni kala noqoshada xukuumada, hadaba waxaad ogtihiin umada Soomaaliyeedna ogtahay in maalmo ka hor mowshinkan intaan la keenin uu madaxweynaha Villa Somalia ka sheegay in xukuumada iyo baarlamanka ay shaqadoodii u guteen sidii loo baahnaa ayna ku mahadsan yihiin, su’aasha taagan waxay tahay sababta uu ku yimid mowshinkan, xaqiiqada jawaabta waa iska cadahay waxaa la rabaa in hal gacan lagu rido wixii umada Soomaaliyeed ay lahaayeen oo talo ah oo dhaqaale ah oo siyaasad ah oo maskax ah , gacantaasoo aan aheyn tii loogu talo galay balse ay leeyihiin dad kooban, waxaan ognahay in mowshinkan uu ka kacay wasiir meeshiisii laga wareejiyey oo wasaarad kale la geeyey, marka anagu wasiir meel laga qaaday uma shaqeyno umana dhaaran, waa shaqadii raisul wasaaruhu lahaa waa xaqiisii, waxaana diideynaa waa in awooda raisul wasaaraha ama xukuumada ay heyad kale ka qaadato ama madaxweynuhu ka qaato” ayuu yiri xildhibaan Dhegdheer.

Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ayaa sidoo kale ku dhawaaqen Urur Cusub oo la magac baxay Badbaado Qaran oo Kasoo Horjeeda Mooshinada.

Magacaani Cusub oo ay Xildhibaanada la baxeen, ayaa waxaa ka warbixiyay Cabdi Axmed Dhuxuloow oo ah guddoomiyaha xildhibaanada la baxay Badbaado Qaran, ayaa waxa uu sheegay in Ujeedka Ururka uu yahay mid lagu raadinaayo dhex dhexaadnimo islamarkaana looga soo horjeedo waxa uu ugu yeeray ”Mooshin Fashilma”

Waxa uu tilmaamay in iyaga ay u taaganyihiin dhowrista sharciga dalka, sidaa darteedna ay Dastuurka u bidhaaminayaan Madaxweyne Xassan Sheekh oo ay ku tilmaamen inuu yahay Mas’uul baalmaray sharciga dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Barre oo kamid ah xildhibaanada ayaa dhankiisa ka sheegay in Xarunta laga mamnuucay Warbaahinta madaxa-banaan taasina ay noqoneyso mid ka turjumeyso in Hamiga Xildhibaanada Mooshinka wado uu yahay Afganbinta Baarlamaanka.

xildh (1)xildh (2)xildh (3)xildh (4)xildh (5)xildh (6)xildh (7)xildh (8)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News