Muqdisho (Caasimada Online) – Kullamo xasaasi ah ayaa caawa ka socda xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, kadib markii kullankii baarlamanka ee maanta uu mar kale buuq ku dhammaaday.
Kullamada caawa socda ayaa waxa ay u dhaxeeyaan madaxweyne Xasan Sheekh, xildhibaano isaga taageersan iyo xubno kale oo aaad ugu dhow oo uu ku jiraan Faarax Cabdul Qaadir iyo Cabdi Kariin Guuleed.
Madaxweynaha iyo xulufadiisa ayaa waxa ay ka tashanayaan sida ay wax yeeli doonaan iyo tallaabada ay qaadi karaan, kadib markii ay adkaatay in baarlamanka lagu rido ra’iis’l wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.
Waxa ay sidoo kale ka hadlayaan go’aankii uu mar kale qaatay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, ee uu ku hakiyey mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli.
Waxyaabaha ay soo hadal qaadeen ayaa sida la sheegay waxaa ka mid ah in Jawaari naftigiis xilka laga qaado ama ugu yaran loogu hanjabo sidaas, maadaama ay haystaan codad ku filan oo xildhibano ah.
Qorshaha noocaas ah oo ay soo jeediyeey xildhibaanno ayaa lagu warramay inuu ka cago jiiday madaxweynaha, oo sheegay inuusan dooneyn in jah-wareer cusub oo siyaasadeed ay DF lugaha la gasho.
Si kastaba, Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa la sheegay in illaa iyo hadda ay la iman la’ yihiin qorshe wax ku ool ah, oo ay ku ridi karaan ra’iisul wasaare Cabdi Weli.
Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

