28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG: Xildhibaanada taageersan Xasan oo maanta shiraya iyo qorshahooda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qorsheynayo inay kulan gaar ah ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online ayaa ogaatay in xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ay maanta kulan gaar ah ku yeelan doonaan mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in xildhibaanada waxyaabaha ay ka hadli doonaan ay ugu badan tahay hadalkii kasoo baxay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka aan helayno ayaa sheegaya in xildhibaanada taageersan madaxweynaha ay u jawaabi doonaan ra’iisul wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa shalay ayaa sheegay in mooshinka laga gudbiyay xukuumada uu kala qeybiyay xildhibaanada, sidaasi daraadeedna dib loo dhigay arimaha mooshinka xukuumada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli ayaa shalay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay gudoonka golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News