Xildhibaanada mooshinka oo laga hor-istaagay arrin ay damacsanaayeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha loo diiday inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay doonayeen inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa, balse waxaa warbaahinta loo diiday inay gudaha u galaan madaxtooyada, sida wararka aan ku heleyno.

Villa Hargeysa ayaa ku dhextaala madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku sugan Afhayeenka baarlamaanka, iyadoo halkaasi ay doonayeen inay kaga jawaabaan warqadda kasoo baxday xafiiska xogheynta baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay qorsheeyeen inay isaga soo baxaan madaxtooyada ayna warbaahinta kula hadlaan mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

“Halkee ayaad soo mareysaan, annaga diyaar ayaan u nahay inaan warbaahinta la hadalnee, Albabaabka ayaa la idinka celinayaa, marka annagaa soo baxeyso oo hoteel idiinkuugu waceyno naga warsuga”sidaasi waxaa inoo sheegay mid kamid ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay oo aan teleefanka kula hadalnay.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ayaa cirka isku shareereysa, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono haddii sidaan xiisadda sii ahaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com