Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xildhibaanada mucaaradka Madasha Horusocod Xil. C/rashiid Xiddig ayaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Muqdisho ka shaaciyo Mowqifka Xildhibaanada Madasha.
Guddoomiyaha ayaa lagu wadaa in maanta uu warbaahinta kula hadlo magaalada Muqdisho si uu usoo bandhigo waxa uu yahay Mowqifka Xildhibaanada ku bahoobay Madasha.
Xiddig ayaa sheegay in Mowqifkooda uu yahay mid cad, hadana ay doonayaan in shacabka Soomaliyeed ay ku qanciyaan sababaha keenay inay ka hor imaadan Xukuumada.
Xiddig ayaa sheegay in Mowqifkooda uu yahay mid ka duwan kuwii hore, waxa uuna shaaciyay inay ka go’an tahay in isbedel ay ku sameeyan Siyaasada hadda jirta.
Waxa uu tilmaamay in dadka qaar ay u fahmeen inay yihiin kuwo mucaarad ku ah dowlada, balse ay iyagu yihiin kuwo aaminsan inay u muuqato khaladaad sixitaan u baahan.
Sidoo kale, Xiddig ayaa goordhow laga soo xigtay inuu faahfaahin doono waxa uu yahay Mowqifkooda iyo sida ay u wajihi doonaan Siyaasada ay doonayaan inay ka dhaqan galiyaan dalka.
Xildhibaanada Labada Aqal oo fasaxoodii 1-aad ku guda jira, ayaa Magaalada Nairobi ka wada olole siyaasadeed, oo ay ku saluugsan yihiin dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Xildhibaanadan, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in hadafkoodu ugu muhiimsan uu yahay, in la dhiso xisbi mucaarad ah, oo aqlabiyad ku leh Baarlamaanka.
Dowladda Dhexe, ayaan wax war ahi ka soo saarin ololaha ay Xildhibaanada mucaaradku ka wadaan Magaalada Nairobi.