25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xildhibaannada mucaaradka oo la rabo in xoog loo adeegsado (Qorshe socda)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasmada Online u sheegay in Villa Somalia uu ka socdo Qorsho lagu mamnuucaayo kulamada xildhibaanada mucaaradka ay ku qabanayaan Hoteelada Muqdisho.

Qorshahaani, ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqyada Xildhibaanada Mucaaradka ee marba Hoteel ku qabsanaya kulamo la sheegay in iminka ay walaac ku abuureen kooxda Damu-Jadiid.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Damu-Jadiid ay dooneyso inay hay’adda nabad sugidda adeegsato, si ay amar ugu siiso milkiilayaasha hoteellada in wax kullamo ah oo looga soo horjeedo dowladda aan lagu qaban karin hoteellada Muqdisho.

Xubnaha qorshahan soo hindisay ayaa waxaa ka mid ah Cabdikariim Guuleed, Sambaloolshe iyo Faarax C/qaadir, oo ay wehliyaan xildhibaano la rumeysan yahay inay taageersan yihiin xukuumada Cusub.

Lama Oga goorta uu go’aankaani soo bixi doono, waxaase muuqata in Damu-Jadiid ay xaaladda aad ugu xun tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News