24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Xildhibaanada oo kulan deg deg ah la leh Kheyre oo lagu haysto laba arrin oo xasaasi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onlien) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegay in shir deg deg ah uu xarunta Villa Hargeysa uga socdo guddiga jogtada ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo u yeeray ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xubno ka mid ah guddiga ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ra’iisul wasaraaha loogu yeeray laba arrin oo xasaasi ah oo la sheegay in baralamanka ay aad uga carreysan yihiin.

Arrinta ugu weyn ayaa ah hadalkii Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ee ahaa in guryahooda lagu weeraro xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, kaasi oo ay u arkeen hanjabaad helis gelin karta noloshada xildhibaanada.

Sidoo kale, Kheyre ayaa lagu haystaa kacdoon shacab oo ka dhan ah xildhibaanada oo xukuumadda ay si hoose u wadday toddbaadyadii tagey, si loo baajiyo mooshinka ay wadaan xildhibaanada qaar.

“Xildhibaanadii ayaa laga dhigay cadow u adeegaya shisheeye, oo bulshadii ayaa lagu dirayaa, ayada oo la adeegsanayo baraha bulshada” ayuu yiri xildhibaan codsaday inaan la magacaabin oo la hadlay Caasimada Online.

Ra’iisul wasaaraha ayaa suurta-gal ay tahay inuu raali-gelin siiyo xildhibaanada.

Xidlhibaanada qaar ayaa ka digay in ficillada xukuumadda ay dhalin karaan in xildhibaano badan oo mooshinka kasoo horjeeda ay hadda ku biiraan, maadaama kacdoon shacab lagu kiciyey.

Inkasta oo ra’iisul wasaaraha uu ka guuleystay inta badan xildhibaanadii mooshinka waday, haddana waxaa weli jira xildhibaano yar oo ay ka go’an tahay arirntan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News