26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Xildhibaanada Puntland oo caddeeyey mowqifkooda qorshaha Gaas ee kordhinta tirada xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Puntland ayaa diiday codsigii ka yimid Madaxweyne Gaas ee ku aadan in la kordhiyo tirada golaha Shacabka oo haanta ka kooban 66 mudane.

Kulamo kala gedisan oo mudanayaashu yeelanayeen todobaadkii u dambeeyay ayay isku raaceen in tallabadaas iminka suurto gal ahayn, waxayna sharci darro ku tilmaameen waraaqda uu soo qoray Madaxweyne Gaas ee ku dalbanayay in xubno dheeriya lagu daro golaha.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Xildhibaanada kasoo jeeda gobollada Nugal, Mudug, Sool, Sanaag iyo Buhoodle ay saxiixeen waraaq ay ku diidanyihiin rabitaanka Madaxweynaha.

Waraaqda oo laga saxiixay Xildhibaanada Puntland, ayaa loo gudbiyay Guddoonka Barlamanka, iyagoo ku midaysan inaan la furin dastuurka maadama dhib adag lagasoo maray dhismihii Puntland

“Xildhibaanada ayaa howshan iskood isaga xil saaray, waxayna sameeyeen guddiyo dhexdooda ah oo ka imaanayay gobolladii lagu aas-aasay Puntland, waxayna isku waafaqeen in waraaqda Madaxweynuhu keenay tahay sharci darro,” Ayuu yiri Xildhibaan magaciisa codsaday in la qariyo.

Go’aanka mudanayaasha ayaa kusoo aaday xilli xukuumaddu doonayso in la siyaadiyo tirada golaha, waxaase arrintaas laga muujiyay walaac xoog leh, maadama ay imaan karaan beelo badan oo raba inay kamid noqdaan Barlamanka.

Xildhibaan Surcad ayaa sheegay in beelaha dega Puntland aysan ku dulmanayn Dastuurka, balse xaqoodu ku maqanyahay gobolka, taasoo la macno ah in Xildhibaanadu ku yimaadaan qaab gobol oo ku salaysan nidaamkii lagu dhisay maamulkan.

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News