Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf , oo ka mid ah Mudanayasha Baarlamaanka Soomaaliya , ayaa eedeyn kulul u jeediyay Sarakiisha nabad Sugidda Soomaaliya iyo Hey’adaha amniga dalka
Wuxuu sheegay Xildhibaanku in hey’adaha Amnigu ay caga jugleen iyo Cabsi galin joogto ah ku hayaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Xildhibaanada lagu amray inaysan guryahooda ka bixin ilaa amar dambo.
Wuxuu sheegay in Fariin qoraaleedyo Xildhibaanada loogu soo dirayo Taleefoonadooda, kuwaas oo ku aadan inaysan jirin meel ay kaga bixin karaan Guryahooda, waxaana uu sheegay in markii ay arintaas weydiiyeen loo sheegay in amnigooda lagu xaqiijinayo balse wuxuu sheegay inay arintu sidaas ka duwantahay.
Cabdi Barre Wuxuu sheegay in Hey’ada Nabad Sugida Somalia ay sheegtay inay ka war heleen in ladoonayo in la dilo Todobadkan Gudihiisa 3 mudane oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan , taasina wuxuu sheegay hadii ay dhacdo in lagula xisaabtami doono dadkii arintaas sheegay.
Wuxuu sheegay in Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo maalin ka hor doonayay inay aadaan Baladweyne gaarigii ay saarneeyeen lagu xabadeeyay sida uu sheegay , waxaana uu taas u sababeeyay in la doonayo sida uu sheegay in la kiciyo shacabka .
Wali laahama amnida dowlada Soomaaliya kama aysan jawaabin hadalkan kasoo yeeray mudanahan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo eedeynta uu u jeediyay.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho