Beesha Habargidir oo soo saartay war ka dhanka shirka ka socda Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) Imaamka Beesha Habar Gidir, Imaam Cabdulaahi Khaliif , oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay aragtidiisa ku aadan shirka ka soconaya magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyo maamulada kale ee la qorsheynayo in laga hirgaliyo Somalia, Waxaana uu  sheegay in kulamadas ay yihiin kuwo amniga Somalia Wax u dhimaya.

Wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in maamul la sameeysto balse wuxuu sheegay inay jirto wado loo maro Sameysashada maamulka, waxaana uu tilmaamay intaasi aysan isaga u muuqan sida uu shaaca ka qaaday.

Imaam C/laahi wuxuu sheegay inay tahay wax laga xumaado in beel waliba ay sheegato inay maamul u gaar ah sameysaneyso, taas oo uu sheegay inay keeni karto kala qoqobnaan iyo khilaaf horleh oo bulshada Soomaaliyeed soo kala dhex gala.

Shirka ka soconaya Beydhabo ayuu sheegay inuu yahay mid “hala ‘iga sheega ah” maadaama sida uu sheegay aan lagala tashan xitaa Beelaha Dega Sh/Hoose , isagoo sheegay in Sh/Hoose awooda ugu weyn ay iyaga leeyihiin, waxaana uu shaaciyay in Magaca Sh/hoose ay maamulkaas raga wada afka uun ay ku buuxsanayaan .

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in looga fadhiyo inay dar dargaliso Soo celinta amniga iyo xureynta Deegaanada Gacanteeda ka maqan si dalka dhaqsi ay u gaarsiiso doorasho xur ah .

Wuxuu sheegay in dowlada Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo looga fadhiyo inay dajiso qorshe doorasho afti dadweyne ah taas oo uu sheegay inay tahay mid looga gudbi karo in qolo waliba ay si gaar ah isku abaabusho.

Beydhabo waxaa wali ka soconaya kulamada ladoonayo in lagu soo dhiso maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya kaas oo ay horboodayan Siyaasiyiin xilal Somalia hore uga soo qabtay iyo Kuwo iminka Xildoon ah Sida dad badan ay tilmaamayaan.

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

Caasimada@live.com