XOG: Dacwad ka dhan ah madaxweyne Xasan oo loo gudbiyey maxkamadda..

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dacwad la sheegay in xubno ka tirsan Guddiga adeega garsoorka ee Soomaaliya ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka taas oo ku saabsan in go’aan ay soo saartay Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya ay horisataageen qaar ka mid ah madaxda sar sare ee dowladda Soomaaliya.

Sida warku sheegayo xubno ka mid Guddiga adeegga garsoorka ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Soomaaliya inay is-hortaageen go’aan Maxkamadeed oo ka soo baxay maxamadda sare kaas oo lagu kala saaray labo shirkadood oo isku heystay maamulidda garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa waxa ay ku lug leedahay shirkaddii garoonka laga ceyriyey ee SKA iyo shirkadda cusub ee ka socota dalka Somalia sida aadka ah u caawinaya ee Turkiga oo lagu magacaabo Favori.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in xubno ka tirsan Guddiga adeegga garsoorka Soomaaliya ay dacwadda ka dhanka ah madaxda sare ee ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ku dalbadeen in Baarlamaanku wax ka qabto arrintaasi oo sida ay sheegeen ah jabin toos ah oo lagu sameeyay sharciga dalka Soomaaliya u yaala.

Ma cadda tallaabada uu arrintani ka qaadandoono baarlamaanka Somalia oo aan la aogeyn in wali uu guddoonku u guadbiyey ,iyadoo warar kale ay sheegayaaan in arrintani ay si hoose ugu jiraan dhameynteeda xubno kale oo dowladda ka tirsan mana cadda in hadda la dhameeyay iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com