25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaanada taageersan Saacid oo la qiyaanay & qeylo kasoo yeertay + Cod

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ee kasoo horjeeda Mooshinka laga wado Xukuumadda uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa sheegay inuu yahay Mooshinkaasi mid laga duway wadadii saxda ahayd isla markaana ay daba ka riixayaan Wasiiro si gaar ah u taageersan Mowqifka Madaxwaynaha inuu ku tuurayo Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaanka ayaa xusay Mooshinkaasi inay wadaan xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada isla markaana uu yahay mid miran habaabinaya Dowladda meelna uga dhacaya Dastuurka, wuxuuna ka codsaday dadka mooshinkaasi wada inay kusoo leexiyaan wadadii saxda ahayd,

Mr Jaamac ayaa beeniyay Xildhibaanadooda kasoo horjeeda Mooshinka inay taageersanyihiin Xukuumadda wuxuuna xusay dadka intiisa Badan mooshinkaasi inay u arkaan mid laga soo abaabulay Xafiiska Madaxwaynaha balse aan ahayn mid ku dhisan la xisaabtan Xukuumadeeda.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

100324_002

Isha: Kismaayo24

- Advertisement -

Read more

Local News