Xildhibaanada Kudladda M5PC iyo Kay oo hurinaya Olol-siyaasadeed kale

Bishii May 27-dii ee sannadkan, waxaa war qoraal si wadajir u soo saaray Ergadda Khaaska ee QM, Midowga Yurub iyo Urur-gobaleedka IGAD wakiilka uga ah Arrimaha dalka Somalia, kuwaasi oo ka hadlay Xiisadda Siyaasadda ee haatan ka dhex shidan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Warka Wadajirka ee Ergadda Caalamiga ayaa waxa uu xambaarsanaa Farriin Cad oo Labada Mas’uul loogu baaqay inay si hoose u xaliyaan Khilaafkooda iyo in la dhowro Qoddobadda uu Mas’uul kasta u jideynayo Dastuurka Qabyadda Somalia.

Ergooyinka Caalamiga ayaa waxay Qoraalkooda ku xuseen xiisadaha siyaasadeed ee sii socda inaysan ku jirin danaha dadka iyo dalka Somalia, waxayna ka digeen inuusan Khilaafka noqonin sidii Khilaafyaddii Hoggaamiye-kooxeedyaddii hore oo kale, oo iyagu naafeeyey Dowladihii ka dhismay Somalia wixii ka horreeyey sannadkii 2000.

Ergadda Caalamiga waxay kaloo ka hadleen Horumarinta Nidaamka Federalka, Dib-u-eegista Dastuurka Qabyadda iyo diyaar-garowga doorashadda Madaxtinimadad ee sannadka 2016-ka.

Qoraalka Ergadda waxa lagu muujiyey in loo baahan yahay inay Hay’addaha Federalka si wadajir oo mas’uuliyad leh u wada shaqeeyaan , waxayna soo dhaweeyeen hadalkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay Isbedelka dhinaca Hay’addaha Ammaanka.

Ergadda Caalamiga waxay ugu baaqeen Hay’adda Fulinta ama Xukuumadda uu Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed hoggaamiyo inay tallaabo muhiim u qaadaan dhinacyadda Midnimadda Qaranka, xaqiijinta Ammaanka , dardar-gelinta Federalismka, dib-u-eegista Dastuurka iyo Doorashooyinka.

Ergadda Caalamiga waxay kaloo qoraalkooda ku muujiyeen inay diyaar u yihiin taageeradda tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo dhismaha Nabadda iyoDowladnimadda iyo in lala xisaabtamo qof kasta oo caqabad ku noqda horumarka socda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Farriinta Furan ee ay Diplomaasiyiintaasi soo qoreen inay ka turjumayso Aragtida Guud ee Ururradda ay Wakiilladda ka yihiin, waana farriin la dhihi karo waxaa laga soo saaray Xafiisyadda Madaxda Sare ee QM, EU-da iyo IGAD.

Marka la eego nuxurka Qoraalka Wadajirka ee Ergaddaasi, waxaa hubaal ah in laga dareemi karo qoddobo muhiim ah, inkastoo ay ku jiraan arrimo xasaasi abuuri kara, loona arki karo Qoraalkaasi mid calawsanaan siyaasadeed keeni kara.

In ka badan boqol Xildhibaan ayaa bareerahooda ka dhiibtay Qoraalka Wadajirka ee ay qalinka ku soo duugeen Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Kay, Ergayga Gaarka ee Midowga Yurub (EU)-da ugu qaabilsan arrimaha dalka Somalia, Michele Crevone D’Urso iyo Ergayga Gaarka ee IGAD ee Arrimaha Somalia, Mohamed Salah Anadif.

Xildhibaanadda oo la magac baxay Kudladda Dhaqdhaqaaqa May 5 (M5PC) waxay gebbi ahaan dhaliileen Qoraalka Ergadda Caalamka, kuna tilmaameen mid oof-wareen ku ah Jiritaanka Dowladnimadda iyo Dastuurka Qabyadda ee Somalia.

Xildhibaanadda oo ay ku jiraan Mudanayaal miisaan siyaasadeed leh ayaa rumeysan inay Ergadda Calaamiga faragelinayaan arrimah Dowladda, isla markaana ay bilaabeen inay Dowladda kula dhaqmaan qaabkii ay Beesha Caalamka kula dhaqmi jireen Dowladihii KMG ee talada dalka isaga kala dambeeyey muddaii u dhexeysay 2000 ilaa 2013-kii.

Xildhibaanadda waxay soo hadal-qaadeen in Qoraalka Ergadda Caalamiga ka soo horjeedo Xorriyadda Somalia iyo hab-dhaqanka Maxmiyad oo kale.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh oo isagu ka mid ah Kudladda M5PC ayaa si mutuxan u sheegay in Qoraalka Ergooyinka Caalamka muujinayo Taallaabo Faragelin toos ah, wuxuuna xusay inay cabasho ka yihiin hadalkii Ergaddaasi.

War-saxaafadeed ay soo soo saareen Kooxdaas Xildhibaanadda ayaa waxay ku muujiyeen inay Ergadda Caalamiga ku milmayaan Siyaasadda Somalia, isla markaana ay ku dhiiradeen inay Madaxda Dowladda u kala jiheeyaan Hawlaha loo idmay.

Khubaradda Sharciga ayaa rumeysan in Xildhibaanadda samaystay Isbahaysiga Kudladda M5PC ay ra’yigooda ku cabireen Qoraalka Saddexda Ergay ee Caalamiga soo saareen, waxaana hubaantiwaxaana hubaanti inaysan wakiil buuxa ka ahayn Xildhibaanadda kale ee ka aamusay xiisadda taagan.

Marka doc kasta laga qiimeeyo, Qoraalladda iska soo horjeeda ee Ergadda Caalamiga iyo Xildhibaanadda ku bahoobay Kooxda ama Kudladda (M5PC) iyo Khilaafka Siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha waxaa hubaal ah inay taasi sii ololinayso xiisadaha siyaasadeed ee ka aloosan dalkeenna.